Taariikhda iyo Aasaaska Fahamka Kombiyuutarka ee Nidaamka Binary iyo ASCII

Taariikhda iyo Aasaaska Fahamka Kombiyuutarka ee Nidaamka Binary iyo ASCII

Marki ugu horeysay ee lasoo saaray kombiyuutarka waxa uu fahmi jiray tiro keliya(numerical data). Waxay kombiyuutaradu isticmaali jireen ama wax ku fahmi jireen nidaamka (0 iyo 1), waxaana loo yaqiinay Binary(0 ama 1).

Kombiyuutarka wax aan 0 iyo 1 ahayn ma fahmo.

Tusaale, marka aad kombiyuutarka ku qorto 35, sidaan ayuu u fahmaa 100011, waa luqadda Binary. Waxaana jirta qaab loo xisaabiyo xisaabtan. Si kastaba ha ahaatee kombiyuutarka wax kasta waxa uu u fahmaa luqadaas Binary ga.

Kombiyuutaradii hore ma lahayn hab sahlan oo ay u fahmaan qoraallada iyo xarfaha sida aan maanta u fahanno oo kale. Taas badalkeed wax kasta kombiyuutarka waxuu u fahmi jiray tirooyin, sida qoraallada, sawirrada, iyo xitaa amarada(commands).

Tusaale, waagaas hadii la rabo in la qoro Mohamed, waxaa la qori jiray sidan: 01001101 01101111 01101000 01100001 01101101 01100101 01100100

Marki laga soo tago in kombiyuutarka uu fahmo tirooyinka, waxaa jira waxyaabo aan tiro ahayn(non-numbers), sida xarfaha(letters) iyo calaamadaha(symbols).

Markaas kadib ayaa waxaa la bilaabay in kombiyuutarka uu fahmi karo waxyaabaha aan tirooyinka ahayn(non-numbers), sida xarfaha(letters) iyo calaamadaha(symbols).

Sanadki 1963-di waxaa lasoo saaray nidaam dadka dhan ka dhaxeeyo oo loo yaqaano ASCII (American Standard Code for Information Interchange), sabata loo soo saarayna waxa ay ahayd in waxyaabaha aan tirooyinka ahayn(non-numbers), sida xarfaha(letters) iyo calaamadaha(symbols) ey kombiyuutarada oo dhan fahmi karaan.

Kombiyuutarka waxuu ASCII u isticmaalaa hab uu ugu tarjauman karo in wax kasta oo xaraf ama calaamad ah uu u bedelo luqadda kombiyuutarka. ASCII waa hab caalami ah oo xarfaha iyo calaamadaha loogu badalo tiro, kombiyuutarkana tiro ayuu fahmi karaa oo tiradaas ayuu u badalaayaa Binary(0 ama 1).

ASCII Waxuu ku shaqeeyaa tiro ugaar ah, sida 7 god oo binary number ah(waa inta u dhaxeysa 0 ilaa 127). waxaa jaangoyntan markii ugu horeysay la sameeyay sanadka markuu ahaa 1960-meeyadii, waxaana laga dhigay aasaaska badalida qoraalada kombiyuutarka.

Xaraf ama calaamad kasta waxaa loo jaangooyay tiro ugaar ah(0 ilaa 127). Tusaale:

Xarafka weyn 'A' waa tirada 65.

Xarafka yar 'a' waa tirada 97.

Calaamadaha gaarka ah, sida '!' waa tirada 33.

Tusaale: Xarafka 'A': ASCII ahaan waa 65.

Luqadda kombiyuutarka(binary) 65 waa 010000

Tusaale marka aad 'A' qorto, kombiyuutarka ma yaqaano 'A', laakin waxaa loogu tarjumaa 65, kadib kombiyuutarka 65 ayuu fahmi karaa oo waxuu ku bedelanaayaa sidan: 010000, markaas kadib ayuu kombiyuutarka kuu soo bandhigaayaa xarafka 'A'. Intaas oo shaqana si ilbiriqsi ah ayey ku dhaceysaa.