๐—ช๐—ฎ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—”๐—ฃ๐—œ(๐—”๐—ฝ๐—ฝ๐—น๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป ๐—ฃ๐—ฟ๐—ผ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ด ๐—œ๐—ป๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ)?

ยท

2 min read

๐—ช๐—ฎ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—”๐—ฃ๐—œ(๐—”๐—ฝ๐—ฝ๐—น๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป ๐—ฃ๐—ฟ๐—ผ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ด ๐—œ๐—ป๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ)?

API waa habka ay isugu xirmaan ama xog isugu gudbiyaan softwares ka. Waxayna qofka developerka u ogolaanayaan inuu dhiso hal software, kadibna uu isticmaali karo softwares kale xogtooda.

Tusaale, waa in qofka application ka uu develop gareynaayo ama hormarinaayo kusoo xiro system kale ama application kale xogtiisa. kasoo qaad waxaad dhistay application, kadibna waxaad u baahatay in qofka isticmaalaha uu application kaaga kusoo geli karo account kiisa facebook, sidaas daraadeed adiga uma baahnid in aad dhisto qaabka uu qofkaas uu kaga soo xirmi karo app kaaga asagoo isticmaalaya account kiisa facebook, maxaa yeelay shirkada facebook ayaa horey kuugu diyaarisay API, isla API gaas ayaad soo qaadaneysaa asaga ayaana qabanaayo shaqada, sida inuu check gareeyo in user kaas iyo password kaas uu jiro iyo waxii lamid ah.

๐—ง๐˜‚๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฒ: ๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐˜‚ ๐˜‚๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ(๐—ฝ๐—ฟ๐—ผ๐—ฐ๐—ฒ๐˜€๐˜€ ๐—ธ๐—ฎ) ๐—”๐—ฃ๐—œ ๐—ด๐—ฎ:

Tusaale waxaad ka fikirtaa Maqaayadda. Customerka(Macmiilka) waa qofka kamalyeeriga(waiter ka) usheegaayo waxa uu rabo. Waiterka waa sida API ga oo kale, waxuu dalabka ka qaadaa customer ka, waxuuna u gudbinaa jikada ama kushiinka. Qofka kushiinka ku jirana waa Serverka xogta laga soo qaadaayey, maxaa yeelay dalabki ayuu diyaarinaa ama sameynaayaa, kadibna waxuu dib ugu celinaayaa Waiter ki oo ahaa API ga, kadibna waiter ka dalabki oo diyaarsan ayuu ugeynaayaa customer ka. Eeg sawirka hoose.

Isla tusaalahan 2-aad aan ku dabaqno tusaalahi 1-aad ee Facebook ga. Customer ka ama user ka markuu app kaaga soo galo waxuu gelinaayaa user kiisa facebook ga, kadibna API ga wuu baxaayaa waxuu aadaayaa serverka, waxuuna soo fiirinaayaa in userka uu jiro iyo in kale, kadib serverka waxuu API ga usoo dhiibaayaa in user kaas uu jiro ama in uusan jirin. Hadii uu user ka jiro waxaa la ogolaanaayaa inuu u kaco ama isticmaalo appka, hadii kalana waxaa la leeyahay account kan majiro. Sidaas daraadeed shaqadan oo dhan muhiim maahan siday udhaceyso inaad fahamto, keliya API ga ayaad isticmaaleysaa adiga.

Marka halkaas waxaan ka fahmeynaa API ga waxa uu u dhaxeeyaa user ka(isticmaalaha) iyo server-ka xogta laga soo qaadaayo. Marka API ga shaqadiisa waxaa waaye in uu xog kala gudbiyo ama in app kaaga uu kusoo xiro xog meel kale taal. Qaabka uu kuugu soo xiraayone muhiim maahan inaad ogaato ee shirkada iskaleh ayaa horey usoo diyaarisay, keliya adiga waa inaad isticmaashaa oo uu baahidaada daboolaa.

ย