Skip to main content

Command Palette

Search for a command to run...

Waa Maxay GitHub Copilot?

Updated
2 min read
Waa Maxay GitHub Copilot?
M

I am a Senior Full-Stack Developer with a strong passion for technology and innovation. I graduated with a degree in Computer Science from SIMAD University, where I also gained over more than 5 years of experience teaching tech-related courses.
Currently, I work in the ICT Department at Salaam Bank East Africa in Uganda. I am also interested in entrepreneurship, My focus is on learning more about Artificial Intelligence, Machine Learning, and Mobile App Development to grow my skills and make a positive impact.

GitHub Copilot waa Artificial Intelligence kaa caawinaya koodh(code) qorista.

Waa aalad(extension) lagu soo darsado Visual Studio Code, marka aad code qoreyso waxuu kuu soo jeedinayaa ama kuu dhameystirayaa koodhka aad qoreyso, asagoo ku saleynaya waxa aad markaas qorayso ama projectiga aad dhiseyso, waqtiga ayuuna kuu keydinayaa.

GitHub Copilot wuxuu la mid yahay sidi qof caadi oo ku ag jooga markaad koodh qorayso, waxuu kuu soo jeedinayaa talooyin ama waxuu kuu qorayaa koodhka aad isticmaalayso. Tusaale ahaan:

Haddii aad rabto inaad qorto shaqo (function) oo wax gaar ah qabanaya, Copilot wuu ku fahmi karaa wuxuuna kuu soo bandhigaayaa koodh diyaar ah.

Haddii aad code ka si khalad ah u qorto, waxuu islamarkiiba kaa caawin karaa sidii aad u sixi lahayd. Waxuu yareynayaa waqtigi badnaa ee kaaga bixi lahaa marki uu qalad ku qabsado in aad ku saxdo.

Waxuu aad u anfacayaa dadka ku cusub programming-ka, sababtoo ah waxay u fududeynaysaa inay wax badan ka bartaan, waqtigana wuu kuu keydinayaa.

Sido kale waa muhiim inaad fahanto koodhka uu ku siinayo GitHub Copilot, halki aad marwalba asaga ku tiirsanaan lahayd.

Sidaan ayaad u isticmaali kartaa GitHub Copilot:

1. Soo fur Visual Studio Code.

2. Tag qaybta Extensions ee ku taal dhinaca bidix ee shaashadda.

3. Ka dhex raadi/Qor GitHub Copilot.

4. Kadibna Install dheh si uu kugu soo dago GitHub Copilot.

Marka aad soo install gareyso ama aad soo dajiso kadib waxaad u baahan tahay in aad GitHub Account kaaga ku xirto Copilot.

More from this blog

𝗙𝗮𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗙𝗮𝗿𝗾𝗶𝗴𝗮 𝘂 𝗗𝗵𝗮𝘅𝗲𝗲𝘆𝗮 𝗦𝗼𝗳𝘁𝘄𝗮𝗿𝗲 𝗘𝗻𝗴𝗶𝗻𝗲𝗲𝗿 iyo 𝗦𝗼𝗳𝘁𝘄𝗮𝗿𝗲 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗲𝗿

𝗦𝗼𝗳𝘁𝘄𝗮𝗿𝗲 𝗘𝗻𝗴𝗶𝗻𝗲𝗲𝗿: Waa qof farsamo yaqaan ah oo naqshadeyn kara, horumarin kara, tijaabin kara, iyo ilaalin kara nidaamyada software-ka. Waxay isticmaalaan mabaadi'da injineernimada si ay u xalliyaan dhibaatooyinka software-ka oo ay u...

Nov 28, 20241 min read239
𝗙𝗮𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗙𝗮𝗿𝗾𝗶𝗴𝗮 𝘂 𝗗𝗵𝗮𝘅𝗲𝗲𝘆𝗮 𝗦𝗼𝗳𝘁𝘄𝗮𝗿𝗲 𝗘𝗻𝗴𝗶𝗻𝗲𝗲𝗿 iyo 𝗦𝗼𝗳𝘁𝘄𝗮𝗿𝗲 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗲𝗿
M

Mohamed Ghazali

6 posts

Join me as I explore the exciting world of technology! Subscribe to my newsletter, follow me on social media, and stay tuned for regular updates. I'm excited to have you on this journey with me!